| Kadib bur burkii dalka ka dhacay, sharcigii iyo kala dambeyntiina la soo celin waayay ayaa waxaa saameysmay hay’ado u dooda nabadda iyo xuquuqda aadanaha, kuwaasoo uruuriya, isla markaana keydiya tacadiyada dalka ka dhacayay, welina ka dhaca, iyadoo dambiyadaas dadkii geystay lala sugayo marka dowlad dalka ka dhalato, cadaaladna ay ku shaqeyso.Hay’adda nabadda iyo xuquuqda aadanaha ee Elman waxay ka mid ah hay’adaha aan badneyn ee iskood ugu adeega dadka, isla markaana isha ku haya tacadiyada dalka ka dhaca iyo dadka geystay, waxayna haatan heysaa kiisas fara badan oo ay uruurisay, kuwaasoo ay soo bandhigi doonti marka sharci iyo kala dambeyn la helo.Hay’addan waxaa la aas aasay markeedii hore 1984-tii markaasoo ay ka shaqeyneysay howlo la xiriira dhinaca korontada, iyadoo lahayd xarumo ganacsi oo laga iibsan jiray qalabka korontada, waxaana aas aasay marxuum Eng. Elman Cali oo markaasi ka soo laabtay dalka Talyaaniga oo uu wax ku soo bartay, kadib qaran jabkii ayaa mar kale dib boorka looga jafay iyadoo markan ay u guntatay sidii ay u iftiimin lahayd magaalada oo laga bililiqeystay matooradii waa weynaa ee dabka siin jiray, waxayna lahayd matooro nabadda lagu soo celinayay oo daarayay nalal loogu magac daray nalkii nabadda (light for peace), iyadoo nalal lacag la’aan ah siin jirtay guryaha ay ku nool yihiin dadka danyarta ah, agoonta, masaajidyada, dugsiyada qur’aanka, School-lada, qadadka cagaarad (green lines) oo ahaa meelo laga maagay in la maro oo ay burcaddu dadka ku ugaarsan jirtay, ugana furan jirtay waxa ay heystaan.Alle ha u naxariistee Eng. Elman waxaa uu kaalin mugdi leh ka qaatay iftiiminta magaalada, daryeelidda dadka taagta daran, isaga oo si gaar ah u kaalmeyn jiray caruurta Street Children-ka ah oo uu ka hor istaagi jiray in ay gacanta hoorsadaan oo ay dawarsadaan amaba ay ku kacaan falal mustaqbalkooda mugdi sii gelinaya, halku dhigyadiisii uu kula hadli jirayna waxaa ka mid ahaa tuugsi maya shaqo ahaa, qoriga dhig qalinka qaado, isaga oo kuwa maleeshiyooyinka ah ee hubeysan dhaqan celin u sameyn jiray, isla markaana tababar siin jiray, halka kuwa agoonta ah ee ciyaal darbi jiifka noqdayna u iibin jiray tool ay ku jiraan qalabka kabaha lagu dhalaaliyo ama baalasho, marka ay ka idlaadaana kuwo kale u iibin jiray, si ay u shaqeystaan, halkii ay ka dawarsan lahaayeen, iyadoo dhamaan dhaqdhaqaaqyadaas uu sameynayayna uu kali ku ahaa, yacni ma jirin hay’ad iyo dad kale oo garab ku siinayay haddii ay ahaan lahayd dhinaca maaliyadda amaba qalabka uu maleeshiyooyinka ku dhaqancelinayay.
Elman Cali Axmed oo ka dhex muuqda caruurtii uu gargaari jiray .
Eng. Elman isaga oo ku guda jira howlahaas uu bulshada u hayay ee wax tarka leh ayaa la dilay isagoo aysan jirin cid uu wax ka bi’iyay, waxaana toogtay shan nin maleeshiyo ah isagoo dhex lugeynayay Xaafadda Taleex ee degmada Hodan isla markaana gacanta ka haya canug yar oo agoon ah oo uu baar casho ka soo siiyay, kaasi oo haatan ka shaqeeya isaga oo soo koray Xarunta Elman, saacaduna waxay ku beegneyd xiligaas 7:30 fiidnimo, sida muuqatana wuxuu marxuum Elman u geeriyooday hadafkiisa oo ahaa in nabaddii iyo dowladnimadii la soo celiyo, isaga oo mar waliba u doodi jiray xuquuqda dadka dulman.Waxaa jiray halku dhigyo codka maatida loogu magac daray oo ay ilaa maanta soo saarto hay’adda Elman, kuwaasoo lagu xusuusanayo halyey Maxamuud Cali Axmed (Elman) oo isagu soo gudbin jiray halku dhigyadaas, waxaana ka mid ah: Maatidu waxay doonayaan:-DOWLAD CAADIL AH, NABAD, XUQUUQ, XORNIMO SINNAAN IYO CADDAALADMaatidu waxay doonayaan in ay ka xoroobaan:DAGAALKA SOKEEYE, DILKA, DHACA, BOOBKA, BILILIQADA, KUFSIGA, AFDUUBKA IYO ARRIMAHA QABIILKAMaatidu ma doonayaan:KU DANEYSTAYAAL, GUMEYSI, GUMEYSI DHAQAALE IYO FARAGELIN SHISHEEYEHaddaba markii la dilay Elman, bil kadib (April 28, 1996) waxaa la ballaariyay hay’adda Elman oo xiligaas ku koobneyd howsheeda dhaqancelinta iyo iftiiminta magaalada, iyadoo u xuub siibatay hay’adda nabadda iyo xuquuqda aadanaha ee Elman (Elman Peace and Human Rights Center), bacdamaa uu Injineerka alle ha u naxariistee uu ahaa nin taageera nabadda, xuquuqda aadanahana u dooda, waxayna ku shaqeysaa oo ay ku taagantay wadadii uu ku socday Elman ee uu ka geeriyooday, waxayna haatan leedahay lix saldhig oo koronto siiya magaalada Muqdisho, isla markaana dhinaca kale ay ka howlgalaan 160 dhalinyaro ah oo markoodii hore ahaa maleeshiyooyin hubeysnaa oo la dhaqanceliyay.Dhinaca xuquuqda aadanaha waxay ka qabatay howlo baaxad leh, iyadoo uruurisay kiisas badan oo la xiriira tacadiyo loo geystay dad aan waxba galabsan, waxayna la sugaysaa dowlad dalka ka dhalata iyo cadaaladda oo shaqeysa, waxayna hay’addu xiriir la leedahay hay’ado kale oo dhiggeeda ah oo iyana u dooda xuquuqda aadanaha, kuwaasoo ay ka mid yihiin Dr. Isma’il Jim’ale human Rights Organization, Isha Human Rights Organization iyo Kahro Human Rights Organization, waxayna dhamaantood ka mideysan yihiin oo ay u taagan yihiin sidii lagu gaari lahaa nabad iyo xuquuq dhameystiran oo aan cidna lagu xadgudbeyn, sida uu HOL u sheegay madaxa baarista dambiyada ee Xarunta nabadda iyo xuquuqda aadanaha ee Elman Md. Cali Shiikh Yaasiin (Cali Fadhaa).Hay’adda Elman waxay leedahay labo naadi oo dhinaca Isboortiga ah oo kala ah K/cagta (wiilal) iyo K/Kolayga (gabdho). marka aan soo qaadano Kooxda K/Cagta ee Elman waa kooxda ugu awoodda badan xiligan kooxaha ka jira dalka, waxayna u taagan tahay Xulkii Qaranka Soomaaliyeed, bacdamaa uusan qaran jirin, iyadoo dhowr jeerna tartamo Isboorti oo heer gobol ah u tagtay dalal dibadda ah.Si kastaba, qofkii wax tara dadkiisa iyo dalkiisa taariikhda baal dahab ah ayuu ka galaa, dadkiisana ma iloobaan, waxaana marag ma doonto ah in alle ha u naxariistee marxuum Elman Cali Axmed uu ahaa nin kaligii u istaagay wax ka qabashada dhibaatadii heysatay dadkiisa iyo dalkiisa, iyadoo uu aakhirkiina u geeriyooday sabab la xiriirta waxyaabihii fiicnaa ee uu sameynayay.NHA |